QAYBAHA BOONTA:
BOONDUUR, BOONDALEEL IYO BOONBAXA
https://karanle.blogspot.com/2019/12/boon.html
Casharkii kan ka horeeyay ee BOONTII DHULKA BOONTA, waxaan ku lafagurnay sida qaar ka mid ah dadkii Qawsanka (Khoisan) ee duur ku jirka ahaa, u bilaabeen in qaybo ka mid ah waxa ay ugaartaan ku dabeeco ahaan u kala bedeshaan ugaaratada kale. Ugaaratadaan oo ahaa "Badeeco-Doon" ayaa ka duwanaa ugaaratada "Cunno-Doon" (Cunn-Doon). Arrintaan waxay ugaaratadii ku keenta isbedel jireed, waxay kala noqdeen kuwo gaagaaban oo "coon" ah; iyo joog iyo xoog isku darsaday ee la yiraahdo "Boon" (Badeeco-Doon).

Isbedel kale ee ku kala yimid wuxuu ahaa qalabka ay adeegsanayaan. Ugaaratadii "Badeeco-Doon" (Boon), maadaama kolba meel ay tagayeen waxay arkayeen dhagxaan kala duwan oo qaarsood si sahal ah loo kala jabin jiray, loona yeeli karan habab ku wanaagsan qaadashada ama tuuryada iyo totoominta.

Waxay kale ay heleen dhir leh laamo dhaadheer, oo haddii laantaas lagu dhajiyo "baalal", ay gaari karaan meel ka fog halka uu dhagax la tuuray uu gaaro.
Maadaama dadyowgaas hore ay aaminsanaayeen "ayaamo", "burji" iyo wixii la mid ah, waxaa suuragal baalasha shibiraha in ay ka heebeydsan jireen. Wadashada falaar baalal lehna waxay ugaaratada u ahayd astaan "Boon" baydari ah.
Isbedelka jirka iyo qalabka waxaa ka sii weynaa kan erayda ay dadku isku fahmaan. Waxaan horay u soo sheegnay in hadalka ugaaratada Qawsanka uu u badnaa magacyo laga sameeyey shanqarta iyo sawaxanka waxyaalaha ugaaratada si joogto ah ula kulmayeen ama ku hareersanaa. Tusaale waxaa ka mid ah eray "jiiq" oo ah dhawaqa jiiritaanka dhir aad isku haysata; hase yeeshee kolkii danbe laga dhigay "jiq".
Maadaama dadku yaraa, dhulkana baaxad weynaa waxaa si sahlan u kala lumi kareen dad walaalo iyo xigto ah. Waxaa bilaabatay inay erayadii tirada yaraa hadba dad gaar ah si ay ugu dhawaaqaan si looga garto kale, ama iyaga naftooda ay hadal sir ah ay isugu gudbiyaan. Murticuriye Cismaan Cabdinuur Xaashi (Khaliifka) ayaa dhiganaha (buugga) uu qoray si qotodheer uga hadlay lisqaha, lablarka, laboafleynta dadkii Soomaaliyeed uu afkaan ka soo unkamay si xikmad leh ay ugu hadli jireen. Hoos waxaan ku soo qornay tusaale muujinayo sida magacyada meel yar looga bedeli jiray, si ay macno kii hore ka duwan loo siiyo:
- Bad --------------------------- Dad.
- Badow ----------------------- Dadow
- Balag ------------------------- Dalag.
- Bafto ------------------------- Dafto
- Bal ---------------------------- Dal
- Bar ---------------------------- Dar.
- Bari' --------------------------- Dari'.
- Ba'----------------------------- Da'.
- Ba'ay-------------------------- Da'ay.
- Baa-bah ---------------------- Daa-dah
- Baal --------------------------- Daal.
- Baah -------------------------- Daah.
- Baar--------------------------- Daar.
- Baaq -------------------------- Daaq.
- Baneeye ---------------------- Daneeye (Wabaneeye- Waadaneeye)
- Beedaan --------------------- Deegaan.
- Beer -------------------------- Deer
- Beeraley ---------------------- Deeraley
- Berbera ---------------------- Derdera.
- Bilan ------------------------- Dilan.
- Bir ---------------------------- Dir.
- Birdhabe -------------------- Dirdhabe.
- Bil ---------------------------- Dil.
- Bilis -------------------------- Dilis
- Birdhaba --------------------- Dirdhaba.
- Biriqsi ------------------------ Diriqsi.
- Biir --------------------------- Diir
- Biiq---------------------------- Diiq.
- Boqor ------------------------- Doqor.
- Boqon -------------------------Doqon.
- Boob -------------------------- Doob
- Boon-------------------------- Doon.
- Boondheere ----------------- Doondheere
- Boonbir ---------------------- Doonbir
- Buji --------------------------- Duji.
- Burji -------------------------- Durji.
- Burjiko ----------------------- Durjiso.
- Burbur ------------------------ Durdur.
- Buur--------------------------- Duur.
QAYBAHA BOONTA.
Ugaaratadii Boonta qaar waxay la sii degnaayeen dadka Qawsanka (Khoisan) ee ku noolaa keynta inta u dhaxaysa labada wabi Jubba iyo Shabeele, badankoodse ugaarsiga wuxuu u ahaa shaqo-dhiman (partime). Kuwo waxay noqdeen beeralay, kuwo waxay bilaabeen dhaqashada xoolaha ay laylisteen sida idaha, ariga iyo lo'da waxayna waxayna ka fogaadeen keymaha dugaagga iyo qaniinka badan inta kalana waxay gadisley badeecooyinka kala bedesha.
Boonta la deggan Qawsanka (Khoisan) ama dhexdeggan keynta waa la yiraahdaa "Boonduur". Boonta degta dhul-daleelka leh cawska badan iyo duurjoog waxaa la yiraahdaa "Boondaleel". Boontaan shaqodhiman (partime) ahaan ayay ugaarato u yihiin, inta badan waqtigooda waxay geliyaan beerashada iyo xoolo-dhaqashada. Badanaa waxay degaan dhul "doon" ahaan u kacsan, si iyaga iyo caruurtooda uga nabad galaan daadadka iyo biyo-baxdada.
Waxaa jiray Boon marnaba ugaaranin, hawshoodana tahay isku bedelidda iyo ka beecmushtarka badeecooyinka dadka u baahan yihiin. Boontaan waxaa la yiraahdaa "Boonbaxa" (boonta socota).
Boonta la deggan Qawsanka (Khoisan) ama dhexdeggan keynta waa la yiraahdaa "Boonduur". Boonta degta dhul-daleelka leh cawska badan iyo duurjoog waxaa la yiraahdaa "Boondaleel". Boontaan shaqodhiman (partime) ahaan ayay ugaarato u yihiin, inta badan waqtigooda waxay geliyaan beerashada iyo xoolo-dhaqashada. Badanaa waxay degaan dhul "doon" ahaan u kacsan, si iyaga iyo caruurtooda uga nabad galaan daadadka iyo biyo-baxdada.
Waxaa jiray Boon marnaba ugaaranin, hawshoodana tahay isku bedelidda iyo ka beecmushtarka badeecooyinka dadka u baahan yihiin. Boontaan waxaa la yiraahdaa "Boonbaxa" (boonta socota).




0 Comments