Waxaa la yiri: "Magafe waa Eebe, magarte waa majnuun, masaxese waa munaafiq". Waxaan halkudheggaan uga gol leeyahay, sida haddaan Soomaali nahay ugu nugul nahay masiibooyinka, isdaba joogga ah, isku mid ah, isku meel nagu haleela, marnabana aan ka hulaalaynin. Masiibooyinkaas ha ahaadaan kuwo dabiici ah, iyo kuwo annaga gacanteenna ku dabanay ama ku dalbanay!
Arrintaan ma qadar Alle uunbay ku noqotay, mise annagaba waxbaan ku leenahay? Sida Sayidunaa Cumar Bin Khadaabba (RC) ku yiri xadiith macnihiisdu ahaa: "Qadar qadarbaa looga gudbaa", haddii qadar Alle ku noqotay inaan na lagu beero ama ku dhalano degaan abaar ah oo geedba ku aalin, sow qadar Alle ma aha inuu Alle na siiayay maskax wax ku baranno oo degaankaas ceelal ka qodno, biyo la caba, mid la waraabo iyo mid wax lagu beeraba ka soo saarno? Haddii qadar Alle ku noqoto inuu duufaanno noo keeno oo geed iyo guriba salsiiba, sow qadar Alle ma aha inuu nasiiyay maskax na fari karta inaan midowno, muruq iyo maal isku geyno, oo aan dhisanno dhismooyin iyo wadooyin aan sahal ku dumin, mar allaale marka ay dumaanna, raadino sababta keentay, si degdeg ahna loo saxo, si aysan marka xigo u dumin!
Sow qadarta Alle ma aha in Jabaan ay ku taalo meesho adduunka ugu dhulgariir badan, ugu fugato (volcano) badan, badbutaac (tsunami) badan, ugu duufaano iyo dabaylo badan, ugu kheyraad dhuleed yar; haddana qadar Alle siiyay maskax 100% la mid ah tan Soomaali kasto ku jirto, hase yeeshee maskaxdooda ka shaqysiiyay si masiibooyinkaas cashar kaga bartaan, jab kasto oo soo gaarana, suxullobood (resiliency) mooyee uusan niyad jab u keenaynin.
Soomaalida oo lagu tilmaamo dad suxullobood (resilient) ah, hadana waxaa aragtaa iyagoo halkay darraad ku kufeen, inay shalay ku kufeen, maantana ku kufayaan! Waxaa taas ka daran iyagoo og sababta kufkaas keetay, hase yeeshee aan rabin inay ciddii keentay ama waxa keenay inay iska wareejiyaan oo ay hor u socdaan. Waatii hore loo yiri: "Qofba dhaqankiisa iyo odaydhaqankiisa ayaa dhaay iyo dhaayo u ah", waa inaan ciladda ka raadinaa dhaqanka tuug kalkaalka ah oo ay Soomaalida ku maamaahdo oo ah "Qofkii nin xume ku yiraahda, nin laawe ayaa la yiraahdaa". Waa in la ogaadaa ninka xun, inuu xumaantiisa si toos ah iyo si dadbanba u gaarsiinayo reerka oo idil ama dadka oo idil. Taas ayaa keentay in markuu dhagarqabe qabiil kale qof ka dilo, halkii isaga laga raadsan lahaa in loo dilo qof maskiin ah oo waxba sameynin hase yeeshee u dhashay qabiilkii dhagarqabaha. Arrintaan ayaa iyana horseeddaa dagaal iyo barakac labo reer oo walaalo ah, sidaasna labadaas reer ku degaan iyo xoolo waayeen, baahi iyo bilaayana waligood ku jiraan.
Waxaa dhibaatado lagama baxaan ka dhigtaa marka dhagarqabaha uu yahay ama qaraabo la yahay qof madax ah ama qof oday-dhaqameed ah; dadkii wanaagga laga sugayayna noqdaan meesha masiibada ka timaado. Waatii hore loo yiri; "Masiibo waxaa ugu daran tii madaxa kaa gasho, oo maanka u gudubto", nasiib darada Soomaalida maanta haysato waxaa sal u ah ka tagiddii dhaqankii doorashada oday dhaqameedyadii hore. Intaan Soomaalida la dhaqan-carabeyn, dalkana aysan ka sameysmin suldaanno iyo imaamyo sifo carbeyd ku itaal yeeshay, waxaa duubabka Soomaaliyeed lagu dooran jiray kasmadooda iyo kartidooda oo waatii hore loo yiri: "Curad cawo dhallad uun ma aha ee waa caqli u dhalad". Wixii dhaqan-carabeynta ka danbeeyayse duubnimado waa la iska dhaxlaa, marar badanna waxaa duub noqdaa qof aan karti lahayn ama kaar iyo kalaroor dhexdhiga bulshooyin walaalo iyo waraso ah! Waxaa nagu soo kordhay dhaqan-carbeed ku saleysan "lama canaantaanbaa caanihii daadshay, lama casilaanbaa ciidankii dayacay".
Maadaama hore loo yiri: "Qofba dhaqankiisa iyo oday-dhaqameedkiisa ayaa dhaay iyo dhaayo u ah", markuu marinhabaabay dhaqankii samaa ee odaydhaqameedka lagu soo xuli jiray, waxaa xumaaday dhaqankii dadka oo idil maadaama madaxdii iyo maskaxdii reerka si xun ku yimaadeen. Odaydhaqameedyo noocaas ku yimid ayaa gacanta loo gelshay masiirka umadda Soomaaliyeed, markii la yiri waxaa soo xushaan xildhibaanadii Baarlamanka Umadda, kano isna soo dooranayo Madaxweynihii Umadda, oo isna soo madacaabayo ras'iisu-wasaarihii umadda. Hore ayaa loo yiri: "Hal xaaraan ah, nirig xalaal ah ma dhasho"; odayaal dhaqan xun lagu doortay, keenimaayaan xildhibaanno wanaagsan, madaxweyne wanaagsan, ra'iisu-wasaarad wanaagsan iyo xukuumad wanaagsan. Taas ayaa ugu wacan in dhaqankii musuq naga noqdo, ayna dhashaan baarlamaan mooshinmusuq ah, madaxweyne musuqmooshin ah, xukuumada musuqmaasuq ah iyo bulsho meheradeedu tahay maasuqmeeris ah!
Hadaba aan isla eegno siday u samaysmi jireen duubabkayagii hore.

لأبي دَاوُدَ: عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ -رضي الله عنه- قَال:َ رَسُولُ اَللَّهِ صلى الله عليه وسلم: سَتَكُونُ فِتْنَةٌ صَمَّاءُ بَكْمَاءُ عَمْيَاءُ, اَللِّسَانُ فِيهَا كَوَقْعِ اَلسَّيْفِ

0 Comments